Reer Baydhabo Oo Yiri Jawaari Madaxdiir diir Hadhaco +SAWIRO

Waxaaa manta ka dhacay Baydhabo, Banaanbax aad i ballaran oo ay soo abaabulkiisa lahaayeeen dhamaaan shacabka reer Baydhabo .

Magaalada waxaa la xiray dhamaan ganacsigii, dadweynaha waxay hor istaageen Kaaraha Itoobiya , waxayna ku dhawaaqayeen Jawaari ha dhaco , Madax diirdiir ha dhaco iyo waxyaalo kale oo qiiro leh.

Mudaaharaad ballaaran oo uu soo qaban qaabiyay maamulka Koonfur galbeed ee lixda gobol ee uu hogaamiyo madaxweyne Madoobe Nuunow
Maxamed ayaa waxa uu maanta ka dhacay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay.

Mudaaharaadka 00 ay kasoo qaybgaleen dadweyne taageersan maamulka lixda gobol ayaa waxa ay dadku socod kusoo mareen qaar kamid ah
wadooyinka magaalada Baydhaba ayaga 00 ugu dambeyntiina iskugu ylmid xarunta ADCda 00 saldhig u ah maamulka lixda gobol ee Koonfur galbeed.
Dadweynihii ka qaybgalayay mudaaharaadka ayaa waxa ay siteen boorar ay ku qoranyihiin halkudhigyo liddi 1w ah ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. Nickolas Kay iyo weliba gudoomiyaha
baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan jawaari.

Mudaaharaadka maanta ka dhacay Baydhaba ayaa waxaa lagu gubay sawirada gudoomiye ]awaari iyo Nickolas Kay ayada 00 ay dadweynaha uu
luxaya calanka maamulka Koonfur galbeed ee lixda gobol socod kusoo mareen magaalada qaybaheeda kale duwan.

Dibadbaxa maanta ka dhacay Baydhaba ayaa sidoo kale Iagagasoo horjeeday shirka ka furmay shalay magaaladaas oo ka kooban labaqaybood oo kala ah dib u heshiisiin iyo dhismaha maamul ka kooban sadex gobol looguna magacdaray Koonfur galbeed.

lixda lixda1 lixda2 lixda3 lixda4 lixda5 lixda6 lixda7 lixda8

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook