Reer Birmingham oo Tageeray maamul u samaynta gobolada dhexe +SAWIRO

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kudhaqan magalada Birmingham ee gobolka Midland ayaa taageertay maamul usamaynta gobolada dhexe ee Mudug iyo Galgaduud, Jaaliyada ayaa xaflad balaaran iskugu timid ku taageertay maamul usamaynta gobolada dhexe ee ay isku raaceen dowlada federaalka Soomaliya iyo maamul goboleedka Galmudug, Maamulka Ahlu Sunah iyo maamulka Ximan iyo Xeeb.

Xaflada ayaa lagu furay aayadaha guraanka kariimka iyo duco kadib waxaa halkaasi ka hadlay aqoonyahano, madax dhaqameed iyo Haween ka jeediyay guubaabo ku aadan sida loogu baahanyahay inuu ka dhasho maamul loo dhanyahay gobolada dhexe oo hadii xal loo helo u ah meel dhexe oo Soomali isku soo jiidikarta, Waxa kale oo laga sheekeeyay dib u dhaca ku dhacay gobolka inay ugu wacantahay midnimadii oo aan jirin iyo iskaashi la’aan dadyewga dega dhulkaasi ay kujireen mudada dheer, Hadii ay helaan maamul danahooda ka shaqeeyana ay ku noolaanayaan nabadgalyo iyo horumar ka hirgala gobolada dhexe ee Soomaaliya

Dadkii halkaasi ka hadlay ayaa waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha beeshe karinle ee UK Maxamed Axmed Rooble.Cismaan Xaaji Jimcaale .Xaaji Yuusuf Jimcaale. Inj: Axmed Khayre Guutaale. Dr: Muuse Ali. Ibraahim Iimaan (galhareeri) iyo dad kale.

Waxaa kale oo bar bar socday xaflada gabayo, geeraaro iyo maadeeystayaal kale oo ku muujiyay dhankooda sida gobolku ugu baahanyahay maamul iyo madax wanaagsan oo isku soo jiida dhamaan dadka dega gobolada dhexe ee Soomaaliya . xaga dumarka waxaa gabay qiima badan oo meelo badan taabanaya ka soo jeedisay Abwaanad Shugri Mood kaasoo qiiro galiyay dadkii halkaasi isugu yimid .waxaa iyana hadal qiira badan kasoo jeedisay Miski Xaaji Cumar. dhanka qaban qaabiyaasha waa Maxamed Axmed Qoryooley,Xasan Xaaji Iligay iyo Cabdulaahi Nuur xasan. Gabagabadii shirka ayaa waxa dadkii halkaasi isugu yimid isku raaceen in ay garabistaagaan maamulkaas loo samaynayo gobolada dhexe ee Soomaaliya .

br br1 br2 br3 br4 br5 br6 br7 br8 br9 br44 br55 br66 br77 br88 br99

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook