Ronaldo Kuma Faraxsana Inaan Sii Ahaado Ciyaaryahan Real Madrid Ka Sii Tirsan Di Maria

Saxiixa cusub ee Kooxda reer Ingiriis ee Manchester United iyo xulka Argentina Angel Di Maria ayaa waxaa uu daaha ka rogey in saxiibkiisa ay horey isugu kooxda ahaayeen  ee Ronaldo in aanu ku faraxsaneyn ka sii ciyaarida Horyaalka la ligaha iyo weliba inuu u sii ciyaaro Real Madrid.

“Hadaladii uu dhawaan Ronaldo yiri ee ahaa in uu Manchester United weli uu jecelyahay isla markaana uu iman doono ayaa waxaa ay daliil u tahay sida aanu Ronaldo ugu faraxsaneyn ka sii ciyaarida horyaalkasi iyo weliba u sii ciyaarida Real Madrid” sidaasi waxaa yiri Di Maria.

Waxaa uu Di Maria hadalkiisa intaa ku daray in isagu aanu ogeyn waqtiga rasmiga ah ee uu Ronaldo Real Madrid ka soo dhaqaajin doono laakin uu isagu xaqiijinayo in mar uun uu Ronaldo ka soo dhaqaajin doono Madrid.

Angel Di Maria ayaa xagaagan Manchester United kaga soo biirey dhanka Real Madrid, isagona horey u xaqiijiyey in Ronaldo uu ahaa shaqsiga ku dhiira galiyey in uu Manchester uu ku soo biiro.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook