opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Saraakiisha Al-shabaab oo bilaabay Inay Kacabsadaan Ilaaladoodii Gaarka ahaa

Share

Qaar ka mid ah masuuliyiinta ugu sareeysa ururka Al Shabaab gaar ahaan kuwa madaxooda lagu doonayo Malaayiinta Dollar ayaa waxeey si toos ah iskaga badaleen horjoogayaashii iyo Dagaalyahanadii ilaalada u ahaa maadaama uu shaki balaaran ka dhex jiro kooxdaan waliba si fudud ay ku waayeen hogaamiyahoodii Axmed Godane oo ahaa shaqsi aad isku qariyo .

Hogaamiyaashaan oo intooda badan ku sugan Koonfurta dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalooyin ku dhaw dhaw nawaaxiga magaalada Baraawe ayaa waxeey si toos ah iskugu shaandheeyeen horjoogayaal iyo Dagaalyahano in mudo ah u soo ahaa ilaalo qaas ah.

Raga hogaamiya iminka ururka Al Shabaab ayaa waxay qabaan in ay iska cadahay in Sirdoonka Mareeykanka uu ka dhex sameeystay gudaha ururka Al Shabaab shaqsiyaad fara badan oo la shaqeeya, kuwaas oo maalin kasta dhiiba dhaqdhaqaaqa hogaamiyaasha Al Shaabab taas oo soo dadajisay in maalin cad gaarigiisa lagu duqeeyo Amiirkii ururka Al Shabaab Axmed Cabdi Godane.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook