Shirkii Baydhabo Kasocday Oo Fashil Kuyimid+ COD

Waxaa hakad galay shirkii dib u heshiisiinta Bulshada degta Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ka dhawaan ka furmay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Sababta uu shirkaasi u baaqday ayaa lagu sheegay inay tahay ka dib markii ay ka qeyb gali waayeen Odayaasha iyo waxgaradka la doonayay ina shirkaasi ka qeyb galaan,iyagoona u aaneeyay arintaasi shirka ka furmay magaalada Kismaayo oo ay sheegeen inay ka soo horjeedaan.

Wariye ku sugan magaalada Baydhabo ayaa  xaqiiyay in wali hakad uu ku jiro Shirkii ay ku baaqeen gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo ra’iisal wasaaraha.

Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdi uu hogoominayay oo mudo 16-cisho ah ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook