opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Shongole Oo Noqday Kan Ugu Nasiib Basan Alshabaab

Share

Muuq baahiyaha caanka ah ee ZDF kaasoo laga leeyahay dalka Germany ayaa warbixin dheer waxa uu ka diyaariyay dilkii Isbuucii hore loo geeystay hogaamiyihii Shabaab Axmed Cabdi Godane oo ku dhintay duqeeymo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha leheen ee Mareeykanka Xili oo ku sugnaa Gobalka Shabeelada Hoose.

Muuq Baahiyahaan ZDF ayaa sheegay in safarkii lagu qaarajiyay Axmed Godane uu saacado yar ka hor ka haray Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf (Fuaad Shongole) oo heeysta dhalashada dalka Sweden kaas oo ka mid ah masuuliyiinta ugu sareeysa ururka Al Shabaab gaar ahaan kuwa madaxooda Mareykanku uu dul dhigay Malaayiinta Dollar.

Arinta ugu yaabka badan ee ZDF uu faafiyay ayaa waxa ay tahay Diyaaradaha dagaalka Mareeykanka oo dhoor jeer Gantaalo ku dili rabay Fuaad Shongole ayaa hadane waxa uu ka baxsaday falkaas maadaama inta badan uu u qudbeenayay dad shacab ah taas oo ciidamada cirka Mareeykanka ay mabnuuc ka tahay inay Duqeeymo geeystaan inta madaxda Al Shabaab ee la doon doonayo ay ku dhex jiraan dad shacab ah iyo waliba magaalo dhexdeeda .

Wuxuu kaloo Tv-ga ZDF shaaciyay in ka hor inta aan la dilin Axmed Godane ay ciidamada Mareeykanka, Sirdoonka Sweden ku soo wargeliyeen inuu Fu’aad Maxamed Khalaf (Fuad Shongale) uu ku jiro raga la safri doona Hogaamiye Ahmed Abdi Godane balse Fuaad Shongolo oo shaqsi nasiib badan lagu sheegay ayaa safarkaas iskaga haray sidaa ayuuna Weerarkaasi kaga bad baaday.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook