Siilaanyo Oo Raisal Wasaare Umagacaabay Xirsi Gaab+ Xisbiga Wadani Oo Kaqeyliyay+ VIDEO

Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ayaa, warsaxaafadeed uu kasoo saarey Maanta Xarunta Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani uu ku leeyahey Magaalada Hargeysa waxa uu kaga hadley arimo ku wajahan Marxalada Maanta dalku marayo, iyo waliba Dhawaaqii Madaxweyne Siilaanyo kasoo yeedhay,ee uu kaga dhawaaqey kulankii uu Xarunta Madaxtooyada kula yeeshay Gudoomiyayaasha Gobolada dalka,Maayarada Degmooyinka iyo qaar kamid ah Cuqaasha madaxdhaqameedka ah ee ku xidhan Xukuumadiisa islamarkaana, uu ku Sheegay in Wasiirka Madaxtooyadu yahey,Wasiirka Wasaaradaha taas oo ay Xisbiga Wadani ku macneeyeen in Madaxweyne Siilaanyo howshii dastuuriga aheyd ee Madaxweyne Kuxigeenka uu guud ahaanba ka wareejiyay Shaqadiisii kuna Wareejiyay Wasiir Xirsi.
Warsaxaafadeedkan oo uu ku Sexeexan yahey Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Xisbiga Wadani Axmed Muumin Seed ahna kusimaha Gudoomiyaha Wadani ayaa isagoo dhameystiran waxa uu udhignaa sidan.:-
“Warsaxaafadeed
Somaliland waa dal dimuqraadiyad ku dhisan maadam oo madaxweynaha iyo madax weyne xigeenku si isku mida loo soo doorto oo midna midka kale aanu xilka ka qaadi Karin madaxweyne Ahmed siilaanyowuxuu ku dhawaaqay Ra’iisal wasaare (wasiirka wasiirada) kaas oo aha sharci daro isla markaana xadgudub ku aha dastuurka iyo shauruucada dalaka islamarkaana ka hor imanayasa saami qaysbiga Somaliland ku soo caano maashay
Somaliland waa loo so dhintay maantana waxay tagan tahay in la difaaco oo markale loo dhinto si umada looga kor qaado nidaamka kaligii taliska ah ee wadaadada xagjirka ah lagu wareejiyey
Waxaan bulshada ugu baaqaya in ay codkooda iyo cuudkoodaba ay mideeyaan Xukun qarqooshka ahna iska dulqaadan
Madaxweyne siilaanyo iyo inta ka agdhawi dalkii way burbuiyeen bariga dalaka sidaad wada ogtihiin waxaa dowlad ka samaystay Cali khaliif Galaydh xukumada Siilanyana way ku saaciday, galbeedkana waxa lagu khasbayaa inuu samaysto maamul goboleed aanu rabin.
1.Mar hadii salaadiintoodi la dhaqaysan waayey

2.Madaxwyne ku xigeenkiina xilkisii cid kale loo magacaabay ( wasiira wasiirada)
Madaxweyne siilaanyo iyo qaraabadiisu caqliga dadka ayey ku ciyaarayaan dadka iyo dalkana way kala dirayaan si aan loola xisaabtamin mustaqbalka
Afka carabiga waxaa lagu yidhaa Ra’iisal wasaare ingirsigana Prime minister somlilgana wasiirka wasiirada ama wasiirka koobad sidii madaxweynuhu ka shaaciyayey warbaahinta wuxuu u magacaabay Xirsi xaaji Cali Ra’iisal wasaare sharci daro ah loona baahan yahay in lagula xisaabtamo Madaxweynaha oo baarlamanka shacabka matalaan ku inbiij gareeyaan inta aanay bulshada gaadhin in ay gacanta iskula tagaan.
Madaxweyne cid aqbalaysaana ma jirto madaxweyne , gudoomiye guurtida, iyo Ra’iisalwasaare ilamadeera ah
Somaliland aqbali mayso kumana sii jiri karto qaraabo kiil iyo isku dul noolaansho baal marsan awood qaybsigii soomaliland ku heshiisay ee shirwaynihii ka dhacay boorama
waxaan cod dheer ugu sheegaynaa siilaanyo iyo Saleebaan Maxamuud Aadan gudoomiyaha guurtida oo aan leeyahay ka qabta nimanka calooshooda u shaqaysta yaasha ah ee aad adeerka u tihiin, umada Somaliland idinka waxaan idin leeyahay ku karaamo seegte Hogaaminta Jamhuuriyada Somaliland ee ha aas Qaran seegina Da’daad joogtaa dunuubta ayey iska dhawrtaa ee u tudha dadka iyo dalka aad isu kaashateen dumintiisa ee cabudhinta, Afduubka, Xasilooni darada, ee Cadaalad Darada qaawani Hoyga u noqotay WAAR ILLAHAY IYO ADOOMIHIISA KA BAQA

Md.Axmed Muumin Seed ………………………………………
ku simaha Gudoomiyah Xisbiga WADDANI ahna Gudoome ku xigeenka 1aad”.
Warsaxafaadeedka Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ayaa kusoo beegmay xili dadweynaha Reer Somaliland aad u hadalhayaan qodobo badan oo nuxurka Warsaxaafadeedkani xambaarsan yahey Sida Wasiirka Wasiirada oo ah kalmad Madaxweyne Siilaanyo afkiisu ka xadey oo uurka ugu jirtey.

 

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook