Tababaraha kooxda Bolton chelsea wax cabsi ah nagumahayaan

Tababaraha kooxda Bolton ayaa ka hadlay kulanka ay caawa martida u yihiin kooxda macalin Mourinho ee Chelsea koobka Capital One Cup.

40 jir kaan oo ka hadlay kulanka caawa ee Chelsea ayaa sheegay in laacibiinta Chelsea aysan cabsi ku abuurayn kooxdiisa wuxuuna intaa kudaray inay doonayaan inay wax uun kala soo laabtaan garoonka Chelsea.

“Fureheenu waa inaan ixtiraamnaa Chelsea lakiin ma ahan inaan ka baqno laacibiintooda”.

“Wuxuu noo ahaan doonaa kulan wayn, ma moogi taariikhda Mourinho, koox walba oo uu tababare u noqdo waxay noqonaysaa koox awood badan”.

“Waxaan doonaynaa inaan ka soo laabano Stamford Bridge anakoo og inaan qabanay shaqo fiican”.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook