Tababaraha Xulka New Zealand Mike Hesson Oo Loo Kor Dhiyay Qandaraaska

Tababaraha xulka New Zealand  Mike Hesson ayaa heshiis labo sano oo cusub ah waxa uu ku daray qandaraaska uu kula joogo xulka New Zealand.

39 jirkaan Mike Hesson ayaa xulka  New Zealand intii uu la joogay waxaa lagu amaanayaa in uu dib u dhis xoogan uu ku sameeyay xaga ciyaartoydda iyo qaab ciyaareedka xulkaas.

“Waxaan haysanaa xul fiican waana raeynayaa in tartamada nagu soo socda aan guul ka gaari arno, sidaas darteed khasab ayay igu noqotay in aan qandaraas cusub oo xagayga ka yimid in aan xulkan la galo,” ayuu BBC Sport uu u sheegay tababaraha xulka New Zealand.

Si kastaba tababarahan 39 jirka ah Hesson ayaa qabtay shaqada maamulida ee xulka New Zealand bishii July sanadkii 2012.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook