Tabliiq Nooc Cusub Ah Oo Yurub Kadilaacay+ SAWIRO

Magaalada Wuppertal ee dalka Germany iyo degaano badan oo ku dhaw dhaw ayaa waxaa ka dilaacay kooxo Diimeetyo la magac baxay Booliiska Shareecada (Shariah Police ) kuwaas oo wadooyinka wareegaya iyaga oo tashkiilinaya dhalinyarada iyo qofkii ay helaanba.

Qeeylo dhaan xoogan ayaa ka soo yeertay qaar badan oo xisbiyada dalka Jarmalka ah kuwaas oo ku eedeeyay guruubkaan cusub inay yihiin kuwa dhalinta yar yar u dira wadamada dagaaladu ka socdaan gaar ahaan kuwa ay ugu yeeraan Jihaadka.

Waa markii ugu horeeysay Taariikhda oo mid ka mid ah wadamada Yurub ugu caansan lagu dhex arko koox la magac baxday (Shariah Police) balse waxaa la yaab ah sharciga dalka Germany ma qabto ragaan maxaa yeelay ma ahan kuwa hubeeysan ama dambi galay .

SHARICA SHARICA1 SHARICA2

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook