opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Taksiilayaal Qurbaha ka yimaada oo Wasiiro iyo Agaasimayaal kanoqda Dowlada!!(From Fadhi-ku-dirir to Wasiir)

Share

Axmed wuxuu ku nool yahey magaalada London ee caasimadda dalka ingiriiska. Taxi ayuu wadaa. Taxi-gu waa shaqo aad u fiican oo lacag fiican laga sameeyo qofkii si fiican ugu shaqeysta. Reerkiisu waxey ku nool yihiin nolol aad u fiican marka loo qiyaaso Somalida.
Saaxiibkiis Abdi wuxuu ka shaqeeya 2 shaqo oo midna yahey dukaan, kan kalena yahey hotel. Asagana dhaqaale fiican ayaa soo gala.

Axmed iyo Abdi waxaa galey damac siyaasadeed. Wax kasta oo damac galo, khasaare ayey keenaan. Axmed iyo Abdi waxaa la bilaabey in si joogto ah loo shiro oo laga tashado halkii laga bilaabi lahaa loolanka siyaasadda. Taladii ayaa muddo dheer lagu raftey. Waxyaabo aad u fara badan ayaa la is-tusey.

Ugu danbeyntii taladii waxey ku soo aruurtey in reerka (qabiilka) la kiciyo oo la yiraahdo xuquuq baa naga maqan; in mudaaharaad la abaabulo; in fadhi-ku-dirir la noqdo oo TV yada iyo websites ka iyo meelaha kale oo wax lagu qoro laga muuqdo.

Sida caadiga ah qofkii wax fiican sheega xiiso badan uma lahan warbaahinta (media-ha). Warbaahintu waxey jeceshahey wixii caadiga ka baxsan oo xasaasi ah haddey tahey CEY ama AFLAGAADO iwm. Dadka caanka ah (celebrities) oo ku nool dalalka reer galbeedka waxaa muhiim ah iney media-ha (warbaahinta) si joogto ah ugu jiraan haddii kale suuqa ayey ka bixin. Dadkaas caanka ah markey waayaan wax fiican oo ay warbaahinta ku galaan, waxey sameeyaan wax xun xittaa hadduu danbi yahey si muddo ay ugu jiraan warbaahinta. Yacni waa in lagu hadal hayaa haddii kale waa lagu ilaawin. Marka dadkaas caanka ah waxaad maqleysaa wuxuu galey khalad traffic ah; ama shaqaalihii makhaayadda uu wax ka cunayey ayuu la dagaalamey, iwm si uu warbaahinta dhawr maalmood ugu jiro.

Dad kale waxey sameeyaan waxyaabo bani’aadamka wax tar u leh, sida dhaqaale fiican oo ay ku baxshaan arrimaha bulshada; sponsorships kala duwan, iwm si magacoodu dhanka wanaagsan ugu jiro.

Axmed iyo Abdi waxaa batey qeyladoodii oo maalin walba mudaaharaad ama TV ama website ama noocyada kale oo warbaahinta ayey ku jiraan. Madaxweynuhu waa sidaas iyo sidaas; PM waxaas oo danbi ah ayuu ku jiraa; Wasiir hebel xuquuqdeenii buu duudsiyey; buuq aan dhammaad laheyn oo kicin ah iyo cey joogto ah ayey wadaan har iyo habeen.

Muddo kadib fadhi-ku-dirir-koodii waa u shaqeeyey. Axmed iyo Abdi ayaa Xamar looga yeerey. Axmed waa Wasiir; Abdi-na waa jago kale oo aan ka dhicin. Waa laba jago oo aysan wax khibrad ah haba yaraatee aysan u laheyn.

Xafiis-yadii ayaa la soo fariistey. Waxaa gudahooda ka buuxa wixii ay warbaahinta ka akhrin jireen muddo dheer. Dadka actors-ka ah (filimada mathala) ayaa waxaa ugu muhiimsan oo la baraa iney rumeystaan waxa ay mathalayaan haddii kale si fiican uma mathali karaan. Axmed iyo Abdi wixii ay mudada dheer soo wadeen waxey ka mid noqotey noloshooda oo wey rumeysteen.

Balse hadda waxey ku fariisteen jago qaran oo Somali oo dhan u dhexeysa. Axmed wuxuu yimid wasaarad uu Agaasime guud ka yahey nin aan reerkiisa aheyn; dhawr agaasime waaxeed oo aan midna la qabiil aheyn. Axmed waxaa ku jirtey maskaxdiisa in wasaaradatan reerkooda la siiyey. Waxey la noqotey dhalanteed in intaas oo shaqaale ah oo aan midna reerkiisa ka aheyn ay ka tirsan yihiin shaqaalaha muhiim ka ah ee wasaaradda.

Axmed wuxuu intaas ku doodi jirey inuu hadduu meeshaas gaaro uu xuquuqdii qabiil-kiisa ka maqneyd soo dhicin doono ee marnaba maskaxdiisa kuma jirin QARAN-NIMO. Axmed waxaa sugaya boqolaal qabiilkiisa ah oo uu ka buuxshey xuquuq baa naga maqan iyo anigaa idiin soo dhicin doona. Dadka shacabka ah waa dad masaakiin u badan oo daacad Ilaahey ah. Waxey rumeysteen hadaladii Axmed iyo Abdi waxeyna sugayaan iney xuquuq fara badan oo ka maqneyd loo soo dhicin doono.

Axmed iyo Abdi halkii ay ka shaqeyn lahaayeen arrimaha qaranka ayey waxey bilaabeen in labadii meelood oo masuul-ka looga dhigey ay ku bilaabaan sifeyn ay ka sifeynayaa shaqaalihii khibradda lahaa oo ay ku soo gurayaan qabiilkii. Midkii ay ruqseyn kari waayaan waxey ka qaadaan shaqada oo dhan oo meel cid la’ ah ayey kursi iyo miis u dhigaan ilaa uu lafahiisa kala cararo.

Wasaaradii ayaa waxaa dhuma tayadeedii oo dhan si deg deg ah illeyn wasiirkii wuxuu ku jiraa shaqo kale. Intaas waxaa dheer kharash aan caadi aheyn oo dhanka siyaasadda ah oo uu galayo taas oo dhalineysa in dhaqaale badan oo wasaaraddu laheyd uu aado meelo khalad ah iyo nacfi shakhsi ah.
Wasaaraddii wax horumar ah iska daaye wixii horey ay u sameysey ayaa dib u dhacey. Waa mushkiladda heysata Somalia oo dhan. Sababtuna waxaa weeye khibrad la’aan iyo qofkaan meesha loo magacaabey oo aan waxba ku soo kordhin Karin. Ma doonayo in aan examples hebel iyo hebel dhaho laakiin qofkii caqli leh wuu arki karaa in wasiiro badan aysan wax khibrad ah u laheyn shaqooyinka loo dhiibey oo aysan waxba ku soo kordhin Karin horumarka wasaaradda balse ay ayagu ku yihiin caqabad ay ka shaqeyn la’yihiin dadkii khibradda lahaa ee mudada dheer ka soo shaqeynayey wasaaradda.

Muddo markey arrintu sidaas ku socotey ayaa Axmed wuxuu soo garwaaq-sadey in booskaani yahey boos qaran laakiin Axmed wuxuu isugu jiraa laba qof oo kala duwan. Shakhsiyad-diisii hore oo fadhi-ku-dirirka uu ahaa iyo hadda oo uu muddo kadib soo fahmayo inuu yahey wasiir qaran oo uu Somali oo dhan u dhexeeyo ee uusan qabiil iyo reer meesha u fadhiyin.

Ayadoo arrintu sidaas tahey oo Axmed iyo Abdi ay ku wareersan yihiin sidii ay maskaxdooda meel isugu wareejin lahaayeen (ama qaran ama qabiil) ayaa waxaa la gaarey, sidii caadadu aheyd, isbedelkii ay ku caan baxeen xukuumadaha Somaliyeed. Wasaarad-dihii ayaa la bedeley. Axmed iyo kooxdiisii waa la ruqseeyey oo kuwo kale oo ka qeylo dheer ayaa lagu bedeley. Fadhi-ku-dirir cusub ayaa meeshii qabsadey.

Intaasi waxey aheyd dhibaatadii qaranka soo gaartey, waxaase jira dhibaato ka sii weyn oo Axmed iyo Abdi iyo famiil-yadoodii soo gaartey.
Axmed iyo Abdi markey noqdeen laba masuul waxaa is-bedeley status ka noloshoodii, waxey ka baxeen heerkii dhaqameed oo ay ku noolaayeen. Axmed wuxuu noqdey wasiir, wuxuu ka baxey noloshi taxi driver. Abdi wuxuu noqdey masuul weyn, wuxuu ka baxey noloshii hotelka uu ka shaqeynayey.

Axmed markii uu wasiirka noqdey dabcan noloshii famiilku waa iney isbedeshaa oo xaaskii wasiirka iyo caruurtii wasiirka. Kharashkii iyo quality’gii nolosha oo dhan baa halmar is-bedeley. Dhaqaale wasaarad oo aan cidna daa laheyn ayaa lakharash gareyn.

Sidii arrintu sidaas ugu socotey ayaa isbedelkii yimid. Isbedel-ku wuxuu keeney dhibaato ijtimaaci ah oo aad iyo aad u weyn oo ah: Axmed markii shaqadii wasiir-ka laga qaadey dib uguma noqon karo taxi driver. Dhaqaalihii faraha badnaa oo reerkiisu bartey lama hayo. Axmed London kuma soo noqon karo oo wasiirkii taxi gii dib uma fuuli karo. Axmed maadaama uu noqdey wasiir wuxuu target u yahey Al-Shabaab oo xagga nabad-gelyadiisu waa khatar joogto ah.
Xamar waxaa lagu noool yahey hotels qaali ah oo kan ugu yar baa ah 1500 oo dollar ka American ka bishii cunto iyo jiif.

Axmed waxaa soo wajahey nolol aad iyo aad u adag oo uusan shaqadiisii hore ku noqon Karin; wax kale oo uu qaban karana aysan jirin. Waa dhibaatada heysata wasiiro iyo masuuliyiin aad u fara badan oo Xamar ama maamulada kale ka taagan.

Dhanka kale xaaskii iyo caruurtii Axmed oo nolosha wasiir-nimo galey, waxaa ku adkaatey iney dib ula qabsadaan nolol aad uga hooseysa noloshoodii hore waagii uu Axmed taxi driver-ka ahaa waayo waagaas dhaqaale macquul ah ayaa Axmed soo gali jirey. Haatanse wax walba wuu gabey.
Haddii aad si fiican indhaha u kala furtid oo aad Xamar ama maamul goboleed-yada taariikhdooda sii raacdid, waxaad arkeysaa waxyaabo badan oo kaa yaabiya; khaas ahaan masuuliyiinta.

Ugu danbeyntii waxaa jira oo ammaan mudan rag iyo dumar badan oo si daacad ah uga soo shaqeeyey Somalia ama maamulada gobolada oo ku amaanan. Qofkii wax fiican qabtey ma qarsoomi karo. Rag iyo dumar aan waxba xadin, waqtigoodana u jiheeyey sidii ay ummadda Somaliyeed wax ugu qaban lahaayeen ayaa jira. Waxaa jira masuuliin hore oo meel kasta oo ay tagaan laga jecel yahey, lagana soo dhaweynayo, lana ogyahey ineysan waxba xadin ee ay si daacad-nimo ah ugu shaqeeyeen dalka. Sidoo kale, Waxaa jira masuuliin qof kasta uu ogyahey iney TUUGO ahaayeen oo dhaqaalihii ummadda Somaliyeed loogu dhiibey ay xadeen oo ay ku maal-gashadeen dalalka dibedda ah.

Haddaba waxaa isweydiin leh: Haddeynu nahey shacabka somaliyeed maxaa inala gudboon? Qofka masuulka ah oo aan ognahey inuu TUUG yahey oo uu xoolihii shacabka dhacey oo kumaankun qof gaajo ugu dhinteen awgiis; ma waxaa nala gudboon in aan soo dhaweyno oo munaafiqiin noqonno MISE in aan albaabada ka xiranno oo aan dhahno TUUG yahow adduunkana sharaf kuma lihid, aakhirana xisaabtii Ilaahey baa kaa horeysa.

Qof walba oo Somali ah waxaa waajib ku ah inuu xisaabiyo qofka masuulka ah oo uu yaqaan oo haddii uu qofkaas masuulka ahi uu noqdo NADIIF-na la soo dhaweeyo oo la karaameeyo; hadduu TUUG XARAAMI ah noqdana albaabada laga xirto oo lala dagaalamo. Haddii kale TUUGAAS XARAAMIGA ah ayaan sii geesinimo galineynaa hadaan soo dhaweyno.

Waxaad maqleysaa hal sano ka hor markii wasiirka loo magacaabey ma uusan heysan TICKET oo waa loo soo qaaraantey; haddana 3 villa oo intaas oo kun joogta ayuu Nairobi ka iibsadey. Mushaarkiisa oo dhan hadii la isku daro 30 sano hal guri ma gooyso. Ma waxaa shaki nooga jiraa inuu dhaqaalihii loogu soo dhiibey masaakiinta biyo la’aanta u dhamaatey inuu xadey.

Qof kasta oo Somali ah waxaa dalka ka saran masuuliyad buuxda sidii uu u ilaalin lahaa dhaqaalaha iyo xuquuqda dalku nagu leeyahey. ILAAHEY wuxuu Quraanka noogu sheegey FIRCOON sheekadiisii.

Aayadda 54-aad ee Suuradda AL-ZUKHRUF ( سورة الزخرف – الأية 54 )

فَاسْتَخَفَّ قَوْمَهُ فَأَطَاعُوهُ ۚ إِنَّهُمْ كَانُوا قَوْمًا فَاسِقِينَ

So he bluffed his people, and they obeyed him. Indeed, they were [themselves] a people defiantly disobedient [of Allah ].

Fircoon wuxuu ahaa qof caadi ah laakiin dadkiisii ayaa ka yeeley inuu wuxuu rabo uu ku sameeyo ilaa uu ka yiri ILAAH baan ahey. Sababtuna ma aheyn inuu Fircoon lahaa xoog uu dadkaas ku heysto ee ayaga ayaa FAASIQIIN ah sida Ilaahey noo sheegey. Marka yeynaan innagu faasiqiin noqon ee wixii xun aan diidno; wixii fiican-na aan taagyeerno.

Waxaan ka cudur-daaranayaa in qoraal-keygaan uusan qof shakhsi ah ku socon ee uu yahey aragti guud ah.

Wasalamu alaikum
Ahmed Ali BIHI
LONDON, United Kingdom

Afeef Wardoon Masuul Kama Ahan Qoraalkan Waxay gaar Uatahay Qofka Kusaxiixan

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook