Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida Qaranka C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo Xilkii laga qaaday

Warar goordhay ay Heshay Warbaahinta Wardoon.net ayaa sheegaya in Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ay xilkii ka qaadeen Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida Qaranka C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe .

Kulan ay Golaha Wasiirada ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada uuna shir gudoominayay R/Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa xilkii looga qaaday Taliyihii Hay’ada Nabad Sugida Qaranka kadib markii cod ay u qaadeen Golaha Wasiirada.

C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa mudo aad u yar waxa uu hayay xilka Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida Qaranka , lamana oga waxa hada soo dadajiyay xil ka qaadista lagu sameeyay Taliyahan .

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook