opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Usa Oo Tiri Axmed Godane Waa la Dilay

Share

Dowladda Mareykanka ayaa Shaaca ka qaaday in lagu dilay duqeyntii ay Diyaraadaha Mareykanku ka geystay deegaan ku dhow degmada Sablaale ee gobolka Shabeellada Hoose hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane iyo saraakiil kale oo la socday.

Mid ka mid ah saraakiisha Mareykanka oo la hadlay Saxaafadda Caalamka ayaa sheegay in la lagu Dilay duqeyntan oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka (Drones) hoggaamiyahii ugu Sareeyay Al-shabaab Axmed Cabdi Godane iyo saraakiil kale oo la socday.

“Waxaan Cadaynaynaa in hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane lagu dilay duqeyntii ka dhacday agagaarka Sablaale, kaddib markii la beegsaday laba gaari oo uu mid ka mid ah saarnaa Godane,” ayuu sarkaalkan saxaafadda u sheegay .

Ugu Danbayntii Weerarka cirka ah ee Mareykanka uu la beegsaday hoggaamiyaha kooxda Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane ayaa waxay kusoo beegmaysaa kaddib Markii weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday xabsiga Godka Jilicoow oo ay ku xiran yihiin xubno Al-shabaab ka tirsan, kuna dhow madaxtooyada Somalia.

HALKAN KA AQRI HADAAD ENGLISH TAQAAN

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook