opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Wasiir Bayle Oo Kajawaabay Hadalkii Kasooyeeray Kenya Ee Bada Kusaabsanaa+ COD

Share

Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay inay si dhaqso ah wadahadal ugala furayso dowladda Soomaaliya muranka dhinaca badda ah ee labada dal u dhexeeya, kaasoo gaaray heer maxkamadeed.

Waziirka arrimaha diabadda Kenya Aamina Mohammed oo la hadashay wargeyska Sunday Nation ayaa sheegtay in kulan degdeg ah oo ku saabsan muranka xuduud-biyoodka ee dowladaha Kenya iyo Soomaliya ka dhaxeeya uu dhex mari doono madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo dhiggiisa Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Nuqul kamid ah haddalka Wasiirada ayaa waxaa kamid ahaa ‘’ “Kenya iyo Somalia waxaa u socday wadahadal, balse waxaa nasiib-darro ah in dowladda Soomaaliya ay xirto wadahadalka ayna u gudbiso maxkamad caalami ah dacwad arrintan la xiriirta,”

Wasiir Aamina waxa ay tilmaantay in la qorsheeyay in kulankaasi oo ah mid fool-ka-fool ah uu ka dhaco magaalada New York ee dalkaasi Mareykanka.

“Kulanka Xasan Shiikh iyo Kenyatta wuxuu ka dhici doonaa New York kaddib shirka guud ee Qaramada Midoobay oo dhici doona dhamaadka bishaan, waxaana isku dayi doonnaa in arrintan lagu dhameeyo si dublamaasiyadeed oo aanay cid kale soo dhex-gelin,” ayay mar kale tiri Aamino Maxamed.
Sidoo kale, wasiiraddu waxay sheegtay in dalkeedu uu jeclaa in arrintan aan la gaarsiin heer maxkamadeed, balse lagu dhameeyo si siyaasadeed oo labadan dal gooni u ah, taasoo ay ku tilmaantay inay tahay midda ugu wanaagsan.

Waxayna intaasi ku dartay inay rajeynayaan in khilaafka xuduudaha badda ay  wadaagaan labada dal xalkiisa  la gaaro iyadoon la marin maxakamadda sare ee Q/M taasoo ay dowladda Soomaaliya u gudbisay si ay u soo farageliso.

Aamina Mohammed waziirka arrimaha dibadda Kenya waxa ay xustay in kulanka labada hoggaamiye aanu ahayn mid gaar u ah hase ahaatee ay isku arkayaan shir-madaxeedka sanadlaha ah ee golaha loo dhanyahay ee Q/M. oo bishan dabyaaqadeeda lagu wado in uu ka dhaco xarunta Q/M. ee New York.

Waxa ay wareysigeeda ku sheegtay in ay sameyneyso dadaal kasta oo lagu gaari karo xalka muranka dhinaca soohdinta badweynta India kaasoo abuuri kara xiisad gobolka geeska afrika ka qaraxda.

Dhanka Kale Daud Aweis ayaa arrimahan ka wareystey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalia Dr Abdirahman Beyle Duale. Waxaana uu ugu horeyn weydiiyey sida uu u arko hadalka ka soo yeerey Amina Mohamed  oo ah wasiir dibadeedka Kenya.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook