Xasan Sheekh Iyo Bare iiraale Oo Kulmay Maxayse isu Sheegeen

Ilo-xog-Ogaal ka tirsan Xarunta Madaxtooyada Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in kullan xasaasi ah uu Madaxtooyada Somalia ku dhex maray Madaxweyne Xassan iyo Col. Barre Hiiraale.

Ilo-wareedka ayaa sheegaya in kullanka uu socday ku dhawaad laba saac, waxaana la Tilmaamayaa inay kawada hadleen nabadda Gobalada Jubbooyinka iyo kaalinta Barre uga aadan.

Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu Col. Barre Hiiraale kala hadlay xal u helida Khilaafaadka ku harsan Jubbooyinka, ka qeybqaadashada shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega Kismaayo, Nabadda iyo horumarinta Maamulka KMG Jubba.

Barre ayaa waxa uu Madaxweynaha u sheegay in dhankiisa ay kasoo idlaatay colaada iminkana uu diyaar u yahay inuu wax la qeybsado dadkiisa, isagoona Tilmaamay inuu ka qeybqaadan doono shirka ka furmi doono Kismaayo.

Sidoo kale, Barre Hiiraale ayaa sheegay inay muhiim tahay xal uhelida mushkiladaha ka taagan Jubbooyinka, dhankiisuna uu diyaar u yahay inuu ka qeybqaato hanaanka nabadda iyo dib udhiska Gobalada Jubbooyinka.

Madaxweyne Xassan, ayaa ku ammaanay Barre Hiiraale sida uu u aqbalay door ka qaadashada nabadda Jubbooyinka iyo ka qeybgalka shirka arimaha Jubbooyinka looga hadlaayo oo Bishan gudaheeda ka dhacaayo Magaalada Kismaayo.

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu ballan qaaday inuu xoojin doono dhankiisa kaalinta Hormarineed iyo nabadeynta Deegaanka Jubbooyinka.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Xasan Sheekh Iyo Bare iiraale Oo Kulmay Maxayse isu Sheegeen”

  1. maxamed says:

    sida laga warqabo Qorshihii Barre ku yimid magaladda kismanyo,isla markasna amanka iyo xasilonida pubbaland la kharibo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook