opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Xasan Sheekh Oo Diiday Xilka Qaadistii Taliyaha Nabadsugida

Share

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu si xoogan kaga horyimid xil ka qaadistii maanta lagu sameeyay Taliyihii Hay’adda Nabad Suggida ee Qaranka C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Shir maanta ay yeesheen Golaha Wasiirada, isla-markaana uu shir gudoominaayay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa codka kalsoonida loogu qaaday C/laahi Maxamed Cali, iyadoona ay Goluhu kalsoonida kala noqdeen.
Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Somaliya, ayaa goor dhow Warbaahinta Wardoon.net  u sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, uu si xoogan kaga horyimid tallaabada xilka looga qaaday Sanbaloolshe.

Sarkaalkaan, ayaa ku waramaaya in Madaxweynaha Somaliya uu xilligaan qabo inaan loo baahnayn, isbedel lagu sameeyo laamaha ammaanka iyo talisyada kale ee Ciidamada Dowladda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweynaha Somaliya uu dareensan yahay, cabsida ay Dowladdiisu ka qabto weeraro kaga yimaada Ururka Al Shabaab, oo laga baqdin qabo inay u aargudaan Amiirkoodii Axmed Cabdi Aw Maxamed (Godane).

Dhanka kale waxaa soo baxaaya warar aan la xaqiijin karin oo sheegaaya in xil ka qaadista Sanbaloolshe, ay ka dhalatay hadalo ad adag oo ay shalay is weydaarsadeen isaga iyo Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka Diinta & Awqaafta ee Xukuumada Somaliya Ridwaan Xersi Maxamed.

Khilaafkoodaan, ayaa ka dhashay markii Nabad Suggida ay xabsiga dhigtay nin Xildhibaan hore ahaa, oo hoygiisa laga helay hub iyo gaadiid, isla-markaana uu Sanbaloolshe diiday in ninkaasi la sii daayo, loona celiyo hubkii iyo gaadiidkiisii, xilli uu sidaa ugu baaqay Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka. Wuxuuna Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenku ku andacooday in hubka uu u heystay ninkaasi, inuu isku difaaco.

Marka laga soo taggo dhacdadaan, ayaa waxaan wanaagsanayn cilaaqaadka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, iyadoo ay xurguf ku kala dhex jirto.

Taliyaha Nabad Suggida Qaranka Sanbaloolshe, ayaa waxa uu si weyn ugu dhow yahay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

4 thoughts on “Xasan Sheekh Oo Diiday Xilka Qaadistii Taliyaha Nabadsugida”

  1. abdisalam says:

    waa fool xumo wayn in xil kaqaadis lagu sameeyo waayo hubkii iyo amaan daridii ka jirtay muqdisho waxaa gacan bira ku qabtay sanbaloolshe amaankiina soo celiyay wasiiradu waxay doonayaan foowdadii ay wax ku cuni jireen iyo amaan daradii inay soo ceshaan waana in madaxwaynuhu diidaa waayo masuuliyada wadanka asagay saaran tahay taariiqduna dhigi doontaa foolxumadii dhacda nabad sugidu hawl amaan oo lagu diirsaday ayay wadeen waa yahaan waana haogaanka wanaagsan ee hada talinayay

  2. kablalax says:

    waxaa cadeena ninka kuxigeenka ah waa kii hore usii joogay oo qabiil iyo qurun ku shaqeesan jiray waa xaamud oo taladii loo sii dhiibay hoog iyo ba bay dalka la rabaan wasiiradu waana cinqilaab waxay sameenayaan hada xaalada hada dalku ku jiro owgeed ma aheen inay qas bilaabaan wasiiradu madaxwaynuhu amaanka dalka asagaa wax laga waydiin haloo daayo shaqadiisa asagaa magacaabay hoaanka nabadsugida waa qas loola jeedo madax waynaha jamuuriyada waxay sameenayaan wasiiradu xaamud oo ah ku xigeenkii awalba meeshan joogay hala cayrsho waa raxan wayn qabiili ah oo laaluush qaate ah amniga yaan hada lagu haleen sanbaloolshe oo nabadii soo celiyay ha la garab istaago qofkii wadani somaliyeedow

  3. maxamed says:

    arintas hadii wax layga weydiyo,waxan oranaya agasimaha guud ee sirdonka in shaqadisa lagu faro galiyo waa khalad,sababto ah waxuu faraha kula jira naar khatar badan,wadan amankisu faraha kabaxay,oo dadku wada hubeysan yahay,oo alshabab iyo kuwo lamid ah in uu xasiliyo ama baro oo ciqabo oo laga baqao ayuu shaqadisa ku gudan kara,waa in shaqadisa lo madax baneyo.

  4. maxamed says:

    hadii aad maqashid sirdoon waa hayda ugu saraysa wadanka xaga amniga,waxay ledahay tixgalin ween oo aan la dhayal san karin,wadankena somaliya waxa so celin kara xukun adag talo adag dad adag dhaqalo adag,ciidan adag maskax adag dad samir adag leh,dad isqabqabdada qaran ma dhisi karan,talada wa in aay noqoto mid mideysan oo xoog leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook