opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Xasan Sheekh Oo Laba Jirsaday Maanta+COD

Share

Xasan Sheekh waxaa Madaxweynihii 8-deedaad ee Soomaaliya, Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Madaxweyne u doortay 10-kii September 2012-kii kadib markii uu helay 190 cod halka uu Murashaxii iyo Madaxweynihii xiligaas ee Sharif helay 79 cod.

waxaa uu ku dhashay magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan bartamaha Soomaaliya sanadki 1955.

Waxa uu ka baxay Jaamacada Umada Soomaaliyeed sanadka markuu ahaa 1981 ,Kadiba-na Jaamacadda Bhopal University.

Hey’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Caruurta ee UNICEF ayuu la shaqeyn jiray  ilaa ay ka baxeen ciidamadi nabad ilaalinta UN-ka sanadki 1995-ki, waxaana uu Unicef u ahaa sarkaal dhinaca waxbarashada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Afar sano kadib waxaa uu madax ka noqday Machadka Somali Institute of Management and Administration Development (SIMAD), kasoo hadda noqday Jaamacadda Simad.

Sanadki 2011, waxa uu aas aasay Xisbiga Peace and Development Party (PDP) ., Ugu danbeyntii Xasan Sheekh waa madaxweynihi ugu horeeyey ee Soomaaliya oo lagu doorto gudaha Soomaaliya 42 sano kadib, waxa kale oo uu noqonayaa madaxweynihi ugu horeeyey oo aanan kumeel gaar aheyn tan iyo marki ay dhacday dowladi hore ee Soomaaliya ee uu hogaamin jiray Mohamed Siad Barre sanadki 1991

Maalintii Doorashada:

Weeraggii ugu dambeeyay ayuu si aqlabiyad leh ugu guuleystay madaxweynenimada Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Xasan Shiikh Maxamuud  ayaa waxaa ay doorashada isugu soo hareen Shariif Shiikh Axmed kaddib markii ay wareeggii labaad ee doorashada ka tanaasuleen Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/weli Maxamed Cali iyo C/qaadir Cosoble Cali oo wareeggii labaad u soo gudbay.

Markii ay codbixinta soo gebagebowday ayaa waxaa natiijada ku dhawaaqay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari oo ku dhawaaqay natiijada doorashada, wuxuuna guud maray sida doorashada u dhacday.

Wareeggii ugu dambeeyay ayay labada musharrax kala heleen:

Xasan Shiikh Maxamuud                                               Shariif Shiikh Axmed

190 cod                                                                            79 cod

Doorashadan ayaa ahayd tii ugu horreysay oo gudaha dalka Soomaaliya ka dhacda, isla markaana lagu soo doorto Madaxweyne Soomaaliyeed, iyadoo horayna gudaha Soomaaliya loogu doortay Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

Natiijada codbixinta kaddib, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in 42 sano kaddib ay doorasho xaq ah ka dhacday dalka Soomaaliya, lana soo doortay dowlad aan KMG ahayn, wuxuuna u mahadceliyay guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, isagoo caddeeyay in doorashada looga adkaadaa ay  u dhacday si xor ah oo xaq ah, uuna u hoggaansamayo.

Ugu dambeyntina, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay in caleemo-saarka madaxweynaha dib laga soo sheegi doono.
Dhanka Kale Maanta waxay ku beegan tahay Laba Sano guuradii kasoo wareegtay markii xilka Madaxweynaha loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana Xasan uu qabtaay waxyaabo badan, laakiinse fashilna waa uu jiraaa.

Idaacaddaa Goobjoog oo ka mid ah Idaacadaha ugu afka dheer ee Muqdisho ayaa dood xiiso leh u qabatay aqoonyahanada kala ah C/raxmaan Daqare iyo Shariif Xuseen Rooboow, waxaana ay ku kala yihiin Maamulka iyo Maareyntaa & Khabiir Amni.

Dooda ma ahayn mid dowladda wax looga sheegaayo ama sidoo kale meelo lagu xag xaganaayo, balse waxaa banaaanka la keenay waxa u qabsoomay DF, waxa laga filaanaayo iyo sidoo kale wixii ay qaban weysay Labada Sano ee lasoo dhaafay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook