Xildhibaan Jeesow Madaxweyne Xassan sheekh wuxuu ka mid noqdey horjoogayaasha beel kamid ah beelaha Jubboyinka isku haya+ COD

Gudiga Amaanka Baarlamka Soomaaliyeed ayaa sharci daro ku tilmaamey shirka maanta Kismaayo uga furmaya Affey iyo Axmed Maddobe, oo ay iyagu ugu magac dareen shirka dib u heshiisinta beelaha Jubboyinka oo ay Odayaal ay soo afduubeen isugu keenen meesha.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow Gudoomiye ku xigeenka Gudigaasi oo la hadley Warbaahinta ayaa sheegey in ay muhiim tahay in la dhageysto rabitaanka Beelaha Jubboyinka degga ee aan shir qasab ah lagu afduubin.

Sidoo kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa Dowladda iyo Madaxweyne Xassan Sheekhba in ay hor kacayaan beel gaar ah oo ay iska indho tirayaan rabitaanka beelaha badi dega Jubboyinka.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Xildhibaan Jeesow Madaxweyne Xassan sheekh wuxuu ka mid noqdey horjoogayaasha beel kamid ah beelaha Jubboyinka isku haya+ COD”

  1. Jeego xiir says:

    Horta ninkan yuu matalaa oo baarlamaanka ku soo farsaday.somaalida ayaa waxay ku maahmaahdaa dameer iyo doc ka yeedhba daanka la jebiyaa.
    Jubbaland viva haku daalin ee danahaaga raaco tani weytashay e.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook