Xildhibaan Ka Tirsan Barlamaanka Ukraine Oo Sida Qashinka Dadkii Soo Doortay Gudaafada Ugu Dareen +VIDEO

Mudane ka tirsan barlamaanka dalka Ukraine ayaa dad cadhaysan oo ka mid ah shacabkii soo doortay, waxa ay ka qabteen mar uu marayay, meel ka baxsan xarunta barlamaanka dalkaas, kuwaas oo inta ay qaateen ku dhex tuuray mid ka mid ah haamaha qashinka lagu qubo.

Mudanahan oo lagu magacaabo, Vitaly Zhuravsky, ayaa taageerayaashiisu ku rideen haanta qashinka, xashish kalana dusha kaga shubeen, iyagoo ka cadhooday mawqifkiisa is bad badala badan, waxaanu hore uga tirsanaan jiray, xisbigii Madaxweynihii kacdoonka lagu riday, Viktor Yanukovych, haddana wuxuu galay xisbiga cusub ee dalkaas qabsaday, taas oo ka cadhaysiisay taageerayaashiisa.

xil1
xil2
xil3

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook