Xildhibaan Xidig Shaqsi Looma Jojinaayo Shirka Kismayo Madaxweynahana Wuu Yimid+ COD

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada  Hoose ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud uu ka dagay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa waxaa socdaalkiisa ku waheliya Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka oo uu ka mid yahay C/laahi Goodax Barre Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliya.

Amaanka Magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay maanta,waxaana Xiran Dhamaan Goobaha Ganacsiga iyo si ku socodka Gaadiidka Magaalada Kismaayo.

Waxaa la filayaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu Furo Shirka dib u heshiisiinta Magaalada Kismaayo maanta laga furayo.
Dhanka Kale Xilidhibaan C/rashiid Xidig ayaa ka hadlay shirka Maanta ka furmaaya magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, xilli uu ku sugnaa Garoonka Kismaayo.

Waxa uu sheegay in aayaha Jubooyinka iyo Gedo laga hadlaayo, shaqsina aan waxba la su’aaleyn, dadka hadlayaana ay yihiin shacabkii oo doonaaya dantooda inay ilaalshadaan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook