opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, Cumar Finish,Iyo C/naasir Gaarane Oo Soodhaweyay Xilkaqaadistii Taliyaha Nabadsugida Sanbolooshe

Share

Guddiga arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka ee baarlamaanka Somalia oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin go’aankii shalay ka soo baxay golaha wasiiradda ee xukuumadda Soomaaliya ee xilka looga qaaday agaasimihii heyadda nabad sugida Qaranka.
Waxaa shir guddoominayay kulankan gudoomiye xigeenka guddiga Arrimaha gudaha iyo amniga ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Xubnaha guddiga ayaa waxay lagu taageereen go’aankii shalay golaha wasiirada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay xilka kaga qaadeen agaasimihii hay’ada nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Xildhibaan C/naasir Gaarane oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa talaabadii shalay golaha wasiirada Soomaaliya ay xilkii uga qaadeen agaasimihii hay’ada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka soomaaliya ku tilmaamay mid wanaagsan.

Xildhibaan Cumar Finish oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay shirkii shalay ee golaha wasiirada oo xilkii looga qaaday agaasimihii hay’adda nabad sugida qaranka Soomaaliyeed C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo dhoweeyey guulihii ay dhawaan gaareen ciidamada XDS iyo kuwa midowga Africa ee AMISOM oo degaano badan kala wareegay Al-Shabaab iyo dilkii dayuuradaha maraykanku u geysteen hogaamiyihii kooxdaas

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, Cumar Finish,Iyo C/naasir Gaarane Oo Soodhaweyay Xilkaqaadistii Taliyaha Nabadsugida Sanbolooshe”

  1. maxamed says:

    waxay aniga ilatahay xildhibanada kufaraxasan xil kaqadista agasimaha sirdonka qaranka,waa cadifad Qabiil ee ma’ah mid qaran,waxad garanaysa mushkilada belaha Hawiye dhexdoda tagan,gar ahan Xawadle iyo abgaal,oo waliba,u’dhexeyo madaxweynaha oo Xawadle rer abti’uyihin in uu kuwarersaday sidu umaran laha,waxa muqanaysa kala qaybsanata Belaha Abgaal oo intoda badan ka so horjeda madaxweynaha oo ka dhashay,Qoys siyasada loga xoog roon yahay,oo layirahdo Wacaysle oo reer badiye ubdan,oo aay ximiyan Harti Abgaal iyo Warsan gali abgaal,oo xawadlaha xifi kala dhaxayso,isku so dubo waxad moda Hogaminta Dawladnimada Hawiye in aay u’ktahay Rati ama awor Qabiran oo iska guxaya oo aan mela garan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook