Xisbiga Tayo Faraciisa Norwey Oo Xusay Sanad Guuradii Labaad Ee Xisbiga Soona Bandhigay Wax Qabadkoodii +sawiro+videoe

Xisbiga Tayo faraciisa Oslo ee dalka Norway ayaa wuxuu Malintay taarikhdu ahay 21. Sep 2014 soo bandhigay sanadguuradii labaad ee jiritaanka faraca iyo waxqabadkiisa.
Waxaa kale oo uu soo bandhigay hiigsigga 2016 oo uu ku cadeeyay in uu u taaganyahay doorashadda 2016.
Sidookale waxaa laxusay shirweynihii Europe oo kadhacay magaalada Haage ee dalka Holland 19 June 2014 halkaas oo lagudoortay hogaamiyaha cusub ee xisbiga Mudane: Maxamed A. Farmaajo. Kasooqaybgalayaasha ayaa ka kalayimid dalalka la isku yiraahdo Scandnavia oo dhan oo ay madaxdii faracyadda Tayo ka yimaadeen.
Sidookale gudoomiyaha guud ee xisbiga Mud Farmaajo ayaa telefonkonferanse ahaan uga qabqaatay shirka.
Qodobada ugu muhiimsan oo ka soo baxday shirka ayaa sheegaya in loo baahan yahay xubno tayo leh oo golaha dhexe ee xisbiga uggaqaybgala shirwaynaha xisbiga oo lagu wado in uu ka dhaco magaala madaxda Soomaaliya 2015.
Halkaas oo lagu dhisi doono nidaamdawliyedkii lagu dhaqilahaa dalka marka lagu guulaysto doorashadda. Ugu dambayntii ayaa waxaa la registergarayey xubno cusub oo rag iyo dumarba leh, wuxuuna xisbigu faray ummadda soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan in ay iska diiwaan galinkaraan, ra’yigoodana ka dhiiban karaan barta websiteka xisbiga ee www.xisbigatayo.com

Kulanku wuxuu ku dhamaaday wanaag iyo farxad, madaxda xisbiguna waxay ku booriyeen wadashaqayn wacan.

Tayo Oslo office
Norway

IMG_6422

IMG_6423

IMG_6424

IMG_6425

IMG_6426

IMG_6427

IMG_6430

IMG_6432

IMG_6434

IMG_6435

IMG_6436

IMG_6437

IMG_6453

IMG_6455

IMG_6461

IMG_6462

IMG_6466

IMG_6467

IMG_6484

IMG_6486

IMG_6489

IMG_6490

IMG_6492

IMG_6493

IMG_6497

IMG_6498

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook