Al-Shabaab oo soo Bandhigtay Qaabkii uu u dhacay Weerarkii ay ku qaleen Xarunta UNDP ee Muqdisho+VIDEO

Mu’asasada Al Kata’ib oo ah garabka warbaahineed ee Xarakada Al-Shabaab ayaa soo saartay Muuqaalkan ay ku soo bandhigeyso sidii uu u dhacay Weerarkii ay ku qaadeen Xarunta Hay’ada Qaramada Midoobay ay ku leedahay Muqdisho.

Filimka Cusub ee Shabaab soo bandhigeen ayaa sidoo kale muujinaya Ciidankooda oo gudaha ugelaya Xarunta UNDP Muqdisho iyo askar iyo saraakiil caddaan ah oo ka qeyb gelaya dagaalkii ay Shabaab ku galeen UNDP ee Muqdisho

Muuqaalka ay Al-Shabaab soo bandhigeen ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay Muuqaalo kala duwan oo ku saabsan marxaladihii ugu dambeeyay uu dalka soo maray sidii Doorashhadii Madaxtinimo ee lagu doortay Xasan Sheekh iyo Arimo kale oo badan.

Barta Youtubeka- ayaa laga saaray Muuqaalkii ay soo bandhigeen Al-Shabaab kadib markii lagu eedeeyay in aay ku xadgudbeen xeerka iyo qanuunka u yaalo Youtube,sidaas darteed ma idin soo bandhigi karno muuqaalka oo qaarkiin ay maanta horey u daawadeen.

 

HALKAN KADAAWO VIDEOGA  ASAGOO AF CARABI AH

HALKAN KADAAWO ASAGOO ENGLISH AH

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook