Alshabaabka Baraawe Oo Bilaabay Inay Alaabahooda Kagurtaan

Wararka ka imaanaaya degmada Baraawe ee gobalka Sh/hoose ayaa waxay sheegayaan in kala carar aan caadi ahayn uu soo wajahay Saraakiisha Al-shabaab ee ku sugan Baraawe.

Wararka waxay tilmaamayaan in Al-shabaab hadda ay bilaabeen uruursiga agabkooda, waxaana ay doonayaan inay ku cararaan meelo ay u arkaan in ay ku bad baadi karaan.

Saldhigyadii waa ay kala baxeen wax walba oo u yaalay, waxayna ay doonayaan in Baraawe ay uga kala cararaaan ciidamada Huwanta oo ku wajahan.

XAGEE AYEEY KU WAJAHANYIHIIN?

Al-shabaab meel u hartay maba lahan, laakiinse waa macquul in ay kusoo cararaan tuulooyinka iyo sidoo kale deegaanada kale ee weli ay maamulaayaan.

Sidoo kale waxaa laga yaabaa in ay ku cararaan dhulkaa howtka ah, iyadoonaa la ogaan doona wax ay sameyn doonaan markii Huwanta ay gaaraan Baraawe.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook