Aqriso Magcyada Soomaali lala xariiriyay Al-Shabaab oolagu xiray Dalka Uganda

Ciidamada Amaanka Dowlada Uganda ayaa xabsiga dhigay 9-qof oo Soomaali ah oo isugu jira rag iyo haween kuwaa oo ay ku eedeeyeen in dalkaasi ay ka geesan rabeen falal amaanka lidi ku ah .

Soomaalida ay qaabteen Ciidamada amaanka Dalka Uganda ayaa lagu xiray xabsiga Luzira oo ku yaala deegaanka Buganda ee dalka Uganda, waxaana dadkan la tuhmayo in ay xariir la leeyihiin Al-Shabaab ku socda baaritanao dheeraad ah.

Saraakiil katirsan Laamaha amaanka Dalka Uganda ayaa laga soo xigtay in dadkan Soomaalida ah ee lala xariiriyay Al-Sahbaab ay xabsiga ku jiri doonaan mudo labo isbuuc ah si loogu sameeyo baaritaano la xariira dambiyada loo heesto.

Dadka la xiray ayaa Magacyadooda waxa ay kala yihiin

1- Maxamed C/qaadir oo 31 sano jir ah
2- Cabdi Cabdulaahi oo 26 jir ah
3- Xasan Cabdi Welli oo 25 jir ah
4- Maxamed Axmed 23 sano jir ah
5- Yaasmiin Cabdulaahi 20 jir ah
6- Hodon Axmed oo 23 jir ah
7- Yuusuf Cismaan
8- Cabdi MaxamedC/qaadir
9- Maxamed Yuusuf.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook