Atletico Madrid oo ka badisay Juventus

Waxaa xalay la ciyaaray kulamadii labaad ee Champion Leagea-ha iyadoo guruubka A-da uu qas ka biloowday ka dib markii koox waliba ay badisay halka marna laga badiyey afarta kooxood ee isku guruubka ah.

Kooxda Malmö ayaa gurigeeda ku marti galisay kooxda faca weyn ee reer Greece Olymiakos waxayna min hal gool dhalisay labadii qeybood ee ciyaarta waxaana ukala dhaliyey laacibkooda weerarka ugu ciyaara ee Markus Rosenberg, sidaasi ayayna Olompiakos oo hore ugu soo badisay Atl. Madrid ay markeeda dhadhamisay qaraarka guuldarada.

Kulankii xigay oo aad u adka waxaa iska hor yimi oo garoonka magaalada Madrid ku ciyaaray kooxaha heysta horyaalada dalalkooda Spain iyo Italy, Juve iyo Atl. Madrid.

Waa la isku ruux belay balse gool dhashay qeybtii danbe ee ciyaarta isla markaana uu dhaliyey wiilka reer Turkey Arda Turam ee Muslimka ah ayaa shabaqa ku lulay isagoo sajuud u dhacay halkii uu ka damaashaadi lahaa.

Juventus waa ay ciyaartay waliba waa ay kubad heysasho fiicnayd laakin marna uma suuragalin ineey gool keensadaan waloow ay garoonka ku sareeyeen 60%, laakin guusha ayaa muhiim u ahayd reer Atletico Madrid oo gool qura ku adkaatay.

Guruubkaan A-da ayaa koox waliba waxay keensatay min sedex dhibcood iyadoo dhanka kalena koox waliba markeeda dhinaca dhulka loo dhigay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook