opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Baaq Jaaliyadda Beesha Habargidir, Hawiye ee London

Share

War Saxaafadeedkaan Lambarkiisu ayhay HL11/ 2014 waxuu ka soo baxay Xafiiska Gudigga Joogtada ah ee Jaaliyadda Habargidir, Hawiye ee London.

Gudiga Jaaliyada Beesha Habargidir-Hawiyeee London, waxuu Dadka Soomaaliyeed intiisa badan la wadagaan in arintaan Khal-khal Abuurkaa oo u Maamulka Puntland ku tilaabsaday ay tahay Fal guracan oo ka horimaanaya Nabada guud ee ay Bulsho weynta Soomaaliyeed u baahantahay, gaar ahaa Nabada ku wada noolaasha Dadka Deriskaa ee wada daga Gobolka Mudug.

Gudiga Jaaliyada Beesha Habargidir-Hawiye ee London, waxaan Maamulka Puntland ugu Baqeynaa in ay ka tanasulaan xiisadaha dhalin kara iska horimaad Colaadeed kaasoo ka soo horjeeda rabitaanka Bulshada Nabadda Jecel Degaankaa Mudug wada Degta.

Gudiga jaaliyada Habargidir- Hawiye ee London, waxaay Maamulka Waqooyiga Galkacyo xasusineynaa in ay iska ilaaliyan mirfaha keeni kara Xanaf Colaaddeed iyo Isfaham la’aan, kuna badalaan Jawi Isfahan iyo nabad ku wada Noolaasho.

Ugu dambayn, Gudiga Jaaliyada Habargidir-Hawiye ee London, waxaan Dawladda Federaalka Soomaaliya, Dowladda Mareykanka, Midowga Yurub, Midowga Afrika, Jaamacada Carabta, IGAD iyo Damaan Beesha Caalamka ka Codsaneynaa, inay dhagaha u furaan Baaqaan, tixgaliyana oo ay taageeraan ujeedada Nabadeed u xambaarsan yahay Warsaxaafadeedkaan.

Warsaxaafadeed – 02.10.2014
Gudigga Joogtada ah ee Beesha Habargidir, Hawiye – London

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook