Booliiska Soomaalida ee Minneapolis oo kacabana haweenka Soomaaliyeed+ video

Booliiska Soomaalida ah ee ka howlgala magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay dhibaato baaxad weyn ay ku qabaan haweenka Soomaaliyeed ee gobalkaas ka dib markii haweenkaasi u arkin inay yihiin Booliis sax maadaama ay yihiin dhal;inyaro Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka mid ah ciidamada booliiska ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalkaas Mareykanka ayaa waxay cabasho wayn ka muujiyeen haweenka Soomaaliyeed oo ay sheegeen inay u arkin inay yihiin booliis sax ah oo ka mid ah ciidamada booliiska ee magaalada maadaama ay u arkaan inay yihiin dad Soomaali ah arintaas oo keentay inaysan ka amar qaadan dhalinyaradaas Soomaaliyeed, Mukhtaar Cabdulqaadir oo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka tirsan ciidamada booliiska magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa uu sheegay in marka ay dambi ku qabtaan haweenka Soomaaliyeed ay ku yiraahdaa illeen waxaad ahayd Soomaali waxaan kuu ma leynaayey booliis sax ah iyadoona meeshaas isaga dhaqaaqday.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook