Cabdi Qeybdiid oo kulan la qaatay Gudiga Farsamada Maamul u sameynta Gobolada Dhexe +cod

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa Xalay Kulan Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud kula qaatay Gudiga Farsamada Maamul u sameeynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud,waxaana ay kawada hadleen Qeybdiid iyo Gudiga sida loo dadajin karo Maamulka loo dhisayo Gobolada Dhexe.

Gudiga Farsamada Maamul u sameeynta Maamulka Gobolada dhexe ayaa waxaa maanta la filayaa in ay Gaaraan Magaalada Dhuusamareeb,kuwaas oo lagu wado in ay la kulmaan Mas’uuliyiinta Maamulka iyo Qeybaha Bulshada.

Shirka Maamul u sameeynta Gobolada dhexe  ayaa waxaa lagu wadaa in uu dhawaan ka Furmo Gobolada dhexe ee Dalka Soomaaliya.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook