Carlo Ancelotti”Cristiano Ronaldo ayaa ku guuleysanaya Ballon d’Or

Sanadka 2015 iyadoon la gaarin ayaa waxaa sii bilaawatay hadal heynta ku aadan yaa sanadkan ku guuleysanayo abaalmarinta laacibka Adduunka ugu fiican.

Kadib seddexdii gool ee xalay Cristiano Ronaldo macalinka Italia Carlo Ancelotti ayaa rumeysan in Ronaldo la dooran doono.

Ronaldo ayaa markii seddexaad hat-trig ka dhaliyay La Liga xagaagan waxaana uu gool dhalinta ku hogaaminayaa 13.

Carlo Ancelotti ayaa sheegay 29 jirkan shaki la’aan inuu xagaagan ku guuleysan doono abaalmarinta Ballon d’Or.

Dhinaca kale macalinka ayaa amaanay dhamaan weeraryahanadii Karim Benzema , Gareth Bale iyo Ronaldo bandhigii ay xalay sameeyeen.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook