opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

C/laahi Sheekh Xasan Oo Damiin Lagusiidaayay+ cod

Share

Gudoomiyaha Isbahaysiga Nabada iyo Dimuquraadiyada Cabdulaahi Sheekh Xasan ayaa xalay laga sii daayay Xabsiga Hay’ada Nabad Sugida ku leedahay Godka Jilacow kadib markii Xildhibanao iyo Siyaasiyiin ay dadaal badan u galeen sidii looga deyn lahaa Xabsiga.

Siyaasigan Caanka ah ayaa shalay lasoo taagay Maxkamada gobolka Banaadir waxaana dacwadaha loo heestay kamid ahaa in uu kasoo horjeedo Siyaasada Dowlada Soomaaliya uuna inta badan dhaleeceeyo Madaxda Dowlada, waxa kale Dowladu ku eedeesay in uu kuciyo bulshada .

Cabdulaahi Sheekh Xasan ayaa lagu madliyay in Maxkamada Gobolka Banaadir uu ku horyimaado 22-ka bishan si kiiskiisa dib loogu furo uuna uga jawaabo eedaha loo soo jeediyay ee ah in uu Dowlada kasoo horjeedo.

Mar aan la hadalnay C/laahi Sheekh Xasan ayuu noo sheeay in uusan wali garaneyn sababta loo xiray , waxa uuna tilmaamay in uu diyaar u yahay in uu maxkamada horgtago si uu isaga difaaco eedeemaha loo soo jeediyay.

Gudoomiyaha Isbahaysiga Nabada iyo Dimuquraadiyada ayaa maalintii daradaad xili uu kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa halkaasi ka xiray Ciidamo katirsan Nabad Sugida Qaranka waxa uuna xabsi ku jiray in ka badan 24-saacadood.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook