Dagaalo Culus Oo Ka Dhacay Tuulooyinka Yoontooy, Sanguuni Iyo Buulo Gaduud Ee Gobolka Jubbada Hoose

Ciidamada Maamulka Jubba oo gacan militari ka helaayo ciidamda AMISOM ee dalka Kenya ayaa saakey ku dhaqaaqay wadada dheer ee isku xiriiriso Kismaayo iyo Jammaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada huwanta ayaa ka gudbay baro Koontrool oo Shabaabku ay ku lahaayeen tuulooyinka Sanguuni iyo Buulogaduud iska horimaad kooban kadib, ciidamada ayaa hadda kaabiga ku haayo Kamsuuma oo duleedka ka ah degmada Jammaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Diyaaradaha dagaalka oo ay leeyihiin ciidamada Kenya ayaa ka qayb qaadanayo dagaalka Shabaab looga saarayo Jubbooyinka, waxaa la soo sheegayaa in diyaaradaha Kenya ay duqeymo ka geysteen fariisimo ciidamada Alshabaab ku lahaayeen Jilib iyo tuulada Buulo Gaduud.

Ra’iisul wasaaraha Somalia C/weli Sheekh Axmed oo shaley ka hadlaayey qabsashada ciidamada AMISOM ee degmada Baraawe ayaa sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubba ee ka dhaqaaqayo Kismaayo ay qaban doonaan degmooyinka Jilib iyo Jammaame halka ciidamada kale ee ka soo dhaqaaqayo Afmadow ay la wareegi doonaan magaalooyinka Xagar iyo Bu’aale ee gobolka J/dhexe.

Lama oga sida ay ugu sahlanaan doonto ciidamada Kenya iyo kuwa Jubba inay qabsadaan dhulka geedaha iyo beeraha badan ee u dhexeeyo Jilib iyo Jammaame.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook