Dr. Xuseen Cigaal “Kenya Waxay Lacag Malaayiin Ah Ku Bixisay Qareeno, Si Baddeena Ugu Gacan Gasho + cod

Dr. Xuseyn Cigaal oo ah aqoonyahan ku nool wadanka Mareykanka ayaa waxa uu sheegay in Badda Soomaaliya inteeda kheyraadku dhex ceegaago lagu wareejiyo dowladda Keynya.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha dowladda uu galay khalad weyn kadib markii uu warqad u gudbiyay waxa loogu yeero maxkamadda caalamiga isagoo sheegaya in Kenya iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo muran la xiriira dhul badeed.

“Kenya waxay lacago malaayiin ah ku bixisay qareeno ku sugan wadanka Mareykanka si ay gacanteeda u gasho Badda Soomaaliya” ayuu yiri Dr. Xuseyn Cigaal oo intaa ku daray in arinta kale ee khatarta leh ay tahay in ninkii badda Soomaaliya iibinteeda soo billaabay uu joogo dalka Mareykanka isagoo laga dhigay safiirka Dowlada u fadhiya wadankaas, waa Cumar Cabdirashiid.

Ugu dambeyntii wuxuu baaq u diray ummada Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan, isagoo ugu baaqay iney u istaagaan difaaca badda Soomaaliya ee la boobayo.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook