opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Frank Lampard Oo Kahadlay Musaqbalkiisa Man City

Share

Frank Lampard  ayaa sheegay in loo kordhin doono sii joogistiisa Man City hadii uu sii wado qaab ciyaareedkiisa wanaagsan ee xagaagan horyaalka.

Ciyaaryahankii hore Chelsea ayaa heshiis amaah gaaban kulan jooga Man City,waxaana uu u dhaliyay afar gool lix kulan uu u saftay oo ay ku jirtay goolkii bar baraha kulankii Chelsea bishii September.

Manuel Pellegrini qudhiisa ayaa daneynaya in Lampard uu wax badan sii heysto.

Lampard ayaa yiri”waxaan sii joogi doonaa halkan ilaa bisha January kowdeeda,waxaan xooga saari doonaa ciyaaraha kooxda,waan arki doonaa waxa dhaca ayuu yiri isagoo la hadlayay Manchester Evening News.

Lampard waxaa uu qabaa in sii joogistiisa City ay go’aansan doonto hab ciyaareedkiisa.

Ciyaaryahankii hore England ayaa u mahadceliyay taageerayaasha Man City sidii ay kooxda ugu soo dhaweeyeen.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook