Gaas Oo Qariyay In Sarkaal Looga Dilay Dagaalkii Galgala+cod

Warar hoose oo naga soo gaarayo Magaalada Garoowe, ayaa sheegaya in Dagaalkii ka dhacay Buuraha-galgala ee u dhexeeyay Ciidamada Puntland iyo Maleeshiyada Alshabaab lagu dilay Sargaalkii ugu sareeyay ee Aga Gal-gala Ee Ciidamada Daraawishta Puntland.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in Dagaalkaasi uu ahaa mid ay ku hoobteen Ciidamada Puntland, balse aysan shaacin, waxaana la Tilmaamayaa in xiliga ay haleeshay rasaasta Sargaalkaasi ay la socdeen Saraakiil kale oo iyaguna dhaawac ahaan halkaasi looga qaaday.

Sargaalka la dilay ayaa sida la sheegay lagu Magacaabi jiray Fu’aad Max’med Qoryood, waxa uuna ku baxay Rasaastii ugu horeysay oo ay Maleeshiyadu ku furtay Ciidamada Puntland.

Sidoo kale, waxaa si Siyaasadeysan Khasaaraha Ciidamada Puntland soo gaaray u dafiray Madaxweynaha Puntland C/wali Cali Gaas oo Galinkii danbe ee Shalay Warbaahinta kula hadlay Garoowe sheegayna in Dagaalka lagu Dilay Hal askari oo ka tirsanaa Ciidamadiisa sidoo kalane ay dhameeyen kuwa Alshabaab.

Waxaase la Xaqiijiyay in Madaxweyne Gaas uu Saraakiisha Puntland u sheegay in Sargaalkaasi lagu Dilay Gal-gala,iyadoona Warbaahinta lagu Amray in aysan baahin Wararkaasi.

Dhanka kale, Maamulka Puntland ayaa ka mid ah Maamulada Warbaahinta Caburiya islamarkaana ku Amra in aysan sheegin Xaqiiqda jirta, taasi oo aan la garaneynin Ujeedka laga damacsan yahay.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Gaas Oo Qariyay In Sarkaal Looga Dilay Dagaalkii Galgala+cod”

  1. maxamed says:

    sida runti ah waxa muqata shabakada wardoon in aay tahay shabakad puntland cadawo ku ah,islamarkasna been abuur taqan,walalayal iska daya 2 arimod oo aad ku sifowden 1aad Cadawada aad puntland uhaysan,2aad been abuurka aad puntland kasamaynaysan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook