opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Gudidii Maamul u sameynta Gobolada dhexe oo gaaray Cadaado+ Cod

Share

Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa waxaa maanta ka dagay Wafdiga  Maamul u sameeynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud,waxaana Garoonka Diyaaradaha Cadaado ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiinta Maamulka Ximan iyo Xeeb.

Wafdiga ayaa waxaa uu gaarayaa 13 Xubnood,waxaana horkacaya Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha C/qaadir Cali Cumar oo hada ah Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Federaalka.

Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdi Suldaan Axmed  oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Wafdiga u yahay ujeedka ay ku yimadeen sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Maamulka loo dhisayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.

Maamulka laga dhisayo Gobolada dhexe ee Dalka Soomaaliya  ayaa waxaa lagu wadaa in Dhawaan dhismihiisa la bilaabo,iyadoona Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya uu Shalay sheegay in mudadii loogu talo galay dhismaha Maamulkaasi uusan dib u dhici doonin.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Gudidii Maamul u sameynta Gobolada dhexe oo gaaray Cadaado+ Cod”

  1. Eerible Faranfar says:

    fad ama ha fadin, waa lagu fadsiin.

    viva usc

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook