opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Gudoomiyaha Isbahaysiga Nabada iyo Dimuquraadiyada Cabdulaahi Sheekh Xasan oo Xabsiga Ladhigay+ cod

Share

Ciidamada Amniga Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta xiray Gudoomiyaha Isbahaysiga Nabad iyo Dimuquraadiyada Cabdulaahi Sheekh Xasan oo maanta kasoo dagay Garoonka Aadan Cadde.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Cabdulaahi Sheekh Xasan Markii uu kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ay xireen ciidamo gaar ah oo lasocday in uu maanta kasoo dagayo Garoonka Aadan Cadde.

Ilo kusugan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oon la hadalnay ayaa noo xaqiijiyay in Cabdulaahi Sheekh Xasan ay Xireen Ciidamo katirsan Nabad Sugida ka howlgasha garoonka Aadan Cadde , waxaana hada Siyaasigan lagu xiray Godka Jilacow oo xarun u ah Nabad Sugida Gobolka Banaadir.

Wali lama oga sababta ka dambeysa in la xiro Siyaasigan caanka ah Soomaaliya , Cabdulaahi Sheekh Xasan ayaana caan ku ahaa in uu dhaliilo Siyaasada Dowlada Federaalka Soomaaliya uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook