James Rodriguez Oo Cadeeyay Cidii Kudayandoono

James Rodriguez ayaa daboolka ka qaaday inuu ku dayan doono ciyaaryahankii hore  Real Madrid Angel Di Maria uuna ka sameyn doono Real Madrid taariiqdii uu ka sameeyay inta uusan Man United ku biirin.

Ciyaaryahanka Argentine ayaa doorweyn ka qaatay in Real Madrid ay ku guuleysato Champions league tan iyo sanadkii 2002-dii laakiin Man United ayuu ku biiray.

James oo booskiisa loo keenay ayaa sheegay in Santiago Bernabeu uu ka samey doono si lamid ah Angel Di Maria.

23 jirkan ayaa ku amaanay Di María inuu yahay ciyaaryahan weyn  kana sameeyay taariiq Real Madrid,xushmad weyn ayaana u hayaa ayuu daba dhigay hadalkiisa.

Ciyaaryahanka Colombia ayaa tilmaamay inuu doonayo in Real Madrid uu taariiq ka sameeyo,waana ku raaxeysanayaa ayuu yiri qaabka ciyaareedka Real Madrid.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook