opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Odayaal Kismaayo Laga Soomasafuriyay Odayaal+ Cod

Share

Hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa la sheegay inuu amray in Magaalada Kismaayo ay uga baxaan 24-saac Odayaal ku sugan Magaaladaasi.

Sida uu sheegaayo Maxamed Axmed Sanweyne oo kamid ah Odayaasha lagu amray inay Magaalada isaga baxaan, waxa uu sheegayaa in Axmed Madoobe uu Odayaashaan oo gaaraaya 10 oday ku amray inay si deg deg ah isaga baxaan Magaalada Kismaayo.

Sababta loogu amray inay Magaalada uga baxaan, ayaa wuxuu ku sheegay inay tahay inay kasoo horjeedaan fekerka Maamulka KMG ee Jubba iyo qaabka uu ku socdo shirka Magaalada Kismaayo ka socda, taasi oo keentay in amarkaasi la siiyo Odayaasha.

Sanweyne, ayaa xusay inaysan qaadaneyn amarkaasi, maadaama ay yihiin dadka deegaanka Magaalada Kismaayo waligoodna ay ku noolaayeen Magaalada oo xitaa ay ka diideen inay ka baxaan Magaalada kolkii ay joogeen Shabaab Magaalada Kismaayo.

“Walaal wax yar ma’ahan waa inta diidan fekerkooda waaye, anaga yeeli mayno Shabaab oo iyaga ka xoog badan ayaan inaga ka diidnay, 24-saac ayuu nagu amray inaan ka baxno Magaalada Kismaayo laakiin cid yeelayso malahan sababtoo ah qof waliba wuxuu joogaa gurigiisa uu waligiis deganaa”Ayuu yiri Maxamed Axmed Sanweyne xilli uu u waramaayay Idaacada Kulmiye.

Magaalada Kismaayo waxaa ka socda shirka dib uheshiisiinta Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, waxaana ka qaybgalaya xubno kala duwan oo Odayaal ah kuwaasi oo ka kala tagay Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka KMG ee Jubba oo ku aadan eedeyntaan loo jeediyay.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook