opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Qorshihii Axmed Madoobe Ee Atlantic Oo Dhicis Kudhow Kadib Amar Muqdisho Kayimid

Share

Shalay ciidamada maamulka Axmed Madoobe iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ayaa ku dhaqaaqay deegano ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab waxay qabsadeen Lugloow, Yoontay, iyo Buulagaduud.

Qabsashada deeganadaas kaddib ayaa lagu wargeliyay saraakisha ciidamada AMISOM Qeybta Sector 2 ee ka hawlgala Jubbooyinka inay ku ekaa-daan deeganada hadda ay xoreeyeen ayadoo lagu wargeliyay in ciidamada Sector 1 ee dhawaan xoreeyay Baraawe ay soo gaarayaan Jubbooyinka gaar ahaan Degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

sida xogta ay warbaahinta wardoon.net aykuheshay ayaa sheegaya in Maamulka KMG ah ee Jubba, ay gebi ahaan diideen wargelinta kasoo gaartay Muqdisho waxayna sheegeen inay wadayaan dagaalka ay Alshabaab kaga xoreynayaan Jubbooyinka.

Dihinaca kale maamulka Jubba ayaa ku gacan seeray in ciidamo Soomali ah iyo kuwa isku dhaf ah la keeno hawlgalka ayagoo sheegay inay awoodaan ka xoreynta al-shabaab degaanada hoos yimaada maamulkooda.

Si kastaba, ciidamada Kenya ayaa sheegay in aqbalayaan amarka saraakiisha Amisom ee Muqdisho, taasi oo dhabar jab ku noqotay maamulka Axmed Madoobe.

Saraakiisha Kenya waxay Axmed Madoobe u sheegeen inay qasab tahay inuu fahmo in ciidamada Kenya ay nidaamka iyo sharciga Amisom ka tallaabsan karin, islamarkaana diidmadiisa aaysan macno sameeneyn.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook