Real Madrid oo Sami Khedira iska iibineysa

Real Madrid ayaa laga yaabaa Sami Khedira iney ka iibiso bisha January kooxaha doonaya iyadoo ay jirto in heshiiskiisa bilooyin fara kutiris ah ay ka harsanyihiin.

Ciyaaryahanka Germany kooxaha ay u badan tahay bisha January inuu ku biiro waa Arsenal iyo Chelsea,sidoo kale Man United ayaa kamid noqotay kooxaha raba.

Wakiilada ciyaaryahanka ayaa xiriiro la sameynaya kooxaha seddexda ee England Arsenal, Chelsea iyo Manchester United.

Iyadoo ay jirto xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Real Madrid iyo United hadana Khadiro ma anfici doonto inuu ku biiro koox aan ka qeybgaleyn koobka Yurub.

Khedira waxaa uu xiriir wanaagsan laleeyahay Jose Mourinho halka uu taageere u yahay kubada qurxoon ee Arsenal laakiin ma awoodo kooxdaas iney bixiso mushaarkiisa isbuuca £200,000.

 

HALKAN KA aQRI hADAAD eNGLISH TAQAAN

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook