opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Taageerayaasha Galatasaray Oo Xalay Dab Kushiday Garoonka Arsenal. +sawiro

Share

Boliiska shaqaaqooyinka ka hortaga ayaa la horgeeyay taageerayaasha Galatasaray hortooda ka dib markii ay waxlo holcaya ay ku soo tuureen garoonka intii ay socotay qeybtii hore ee kulankii xalayto ee Champions League ee ay la ciyaarayeen Arsenal.

Dhowr buleer holcaya ayaa lagu soo tuuraya garoonka dhexdiisa ka dib markii Felipo Melo uu taakal labada cagood ah ku sameeyay Alexis Sanchez daqiqiadii 36aad ee ciyaarta.

Arsenal ayaa markaas ciyaarta ku hogaamineysay 2-0 iyadoo goolashaas uu dhaliyay Danny Welbeck.
Ciyaarta ayaa waxoogaa hakad gashay iyadoo kabtanka Galatasaray Wesley Sneijder uu u tagay dhanka taageerayaasha martida ahaa isagoo ka codsaday inay isdejiyaan.

Goolhaye Fernando Muslera ayaa buleeradii la soo tuuray garoonka ka saaray, waxaana waqtigaas yimid boliiska shaqaaqooyinka ka hortaga.

Dab ayaa sidoo kale ka soo ifay taageerayaasha Galatasaray dhexdooda.

Boliiska ayaa xaqiijiyay inay xireen ilaa lix qof howlgalkoodii ciyaartii Group D ee ka socotay North London.

Labo ka mid ah dadkaas la xiray waxaa lagu qabtay iyagoo waxyabahaas holca garoonka la soo galaya.

g1
g2
g3
g4

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook