opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Uhuro Kenyata Oo Maanta Maxkamad Lagusaarayo Holand+ Sawiro

Share

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shalay dalkiisa ka ambabaxay, si uu u tago dhageysiga dacwadda loo haysto ee ka dhacaysa magaalada The Hague ee dalka Holland, halkaas oo ay ku taallo Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC.

Mr. Kenyatta ayaa  shalay oo talaado  ahayd  ka duulay magaalada Nairobi, waxaana maanta lagu qaadayaa dacwado la xiriira dambiyo ka dhan ah bani aadannimada.

Kiiska Kenyatta ee maanta furmaya, ayaa la filayaa inuu soo jiito dareenka warbaahinta caalamiga ah.

Waxa loo haystaa 5 dambi oo ka dhan ah bani’aadanimida, iyada oo la sheegay in uu kaalin ka geystay abaabulka gacan ka hadal daran oo dhacay ka dib doorashadii dalka Kenya ee sanadkii 2008-dii, oo dad badan lagu dilay.

Inta Mr. Kenyatta uu maqan yahay, waxa xilka madaxweynenimo sii heyn doona kuxigeenkiisa William Ruto.

Maxkamadda Caalamiga ah ee ICC ayaa Mr. Rutu-na ku eedeysay dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada, kuwaas oo la xiriira gacan ka hadalkii sanadkii 2008-dii. Maxkamadiisa oo bilaabatay sanad ka hor ayaa Mr. Ruto uu diiday dhamaan eedihii loo jeediyey.

uhu1 uhu2 uhu3 uhu4 uhu5 uhu6

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Uhuro Kenyata Oo Maanta Maxkamad Lagusaarayo Holand+ Sawiro”

  1. abdihakim ali gedi says:

    wax cusub ma ahan hogaamiye gabay danta iyo daryeelka dadkiisa iyo dalkii in uu hor tago maxkamad maadama uu markiisii horeba uu ku yimid doorosho aan cadaalad aheyen oo xoog ku dhisan dhagax tuujin iyo taabasho waxaa iskugu mid waa mid uu ku doonaayo in uu boorka isku qariyo kuma qariyo tabardarada ka muuqato doowladii sa iyo fashilka ku yimid nabad galayadiii lagu yaqiinay dawlada kiiinya,waa nasiibdaroku timid madaxwayne afrikaan ah . i am sorry.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook