Xaasaskii Hogamiyayaasha Alshabaab Oo Muqdisho Dhuumasho Kusoogalay

Inta badan xaasaskii iyo caruurtii hor joogayaasha ururka Al Shabaab ee maalintii shalay eheed magaalada Baraawe laga qabsaday ayaa ku soo qul qulaya magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somaliya .

Ciidamada Nabadsugida Dowlada Soomaaliya ayaa la sheegay in ay arintaan ka war qabaan, mana ahan markii ugu horeeysay oo ay Qoysaska hor joogayaasha ururka Al Shabaab soo gaaraan magaalada Muqdisho.

Qooysaskaan oo ah kuwo aan dhib ka geeysan karin aminga magaalada Muqdisho hadane waxaa intooda badan kor kala socda ciidamada nabadsugida gaar ahaan kuwa sirdoonka dowlada Soomaaliya.

Magaalooyin badan oo dalka Somalia ku yaala marka laga saaro ama laga qabsado dagaalamayaasha ururka Al Shabaab waxaa caado iska ah in caruurtooda iyo xaasaskooda ay u soo wareegaan dhanka magaalada Muqdisho halka hor joogayaasha iyo dagaalamayaasha kooxdaan ay u sii guuraan magaalo kale oo ay nafsadooda ku bad baadin karaan .

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook