AC Milan Oo Ku Dhawaaqday Qorshe Ay Ku Dhiseyso Garoon Cusub Oo Ay Iyada U Madax Banaan Tahay. + SAWIRO

Kooxda Talyaaniga ee AC Milan ayaa baahisay hordhac qorshaha ay ku dhiseyso garoon cusub oo qaada 48 kun taageerayaal ah iyadoo kooxda ay ka guuri doonto San Siro oo ay la wadaagaan deriskooda Inter Milan.

Kooxda ayaa shaaca ka qaaday horaantii isbuucaan inay isku dayayaan inay iibsadaan dhul ku yaala agagaarka Portello, waxaana ay rajeynayaa inay garoonka cusub furaan xilli ciyaareedkan 2018-19.

Waxaa lagu sheegay lacagta ku baxeysa mashruucaan oo sidoo kale ay ku jirto dib u dhis lagu sameynayo dhulkaas, hotel iyo kolej isboorti iyo maqaaxiyado inay gaareyso 240 milyan ginni.

Kooxda todobada jeer ku guuleysatay Champions League Milan ayaa gurigeeda haatan uu yahay San Siro oo ay ku ciyaarayeen tan iyo 1920meeyadii ka dib markii ay ka iibiyeen garoonka dowlada hoose ee Milan waxa ay bilaabeen inay la wadaagaan deriskooda Inter 1947dii.
San Siro ayaa qaada ilaa iyo 80 kun taageerayaal ah waxaana magaciisa si rasmi ah loogu bedelay Giuseppe Meazza Stadium oo ah magacii weeraryahankii Talyaaniga ee u soo ciyaaray labada kooxood Inter iyo Milan.
Garoonka cusub waxa naqshadiisa sameynaya shirkada Arup oo ay shirkadii nashqadeysay garoonka Bayern Munich ee Allainz Arena iyo garoonka Bird Nest ee magaalada Beijing ee dalka China waxaana laga dhisi doonaa meel shan kiiloomitir u jirta San Siro.

MI1 MI2

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook