Afarti Nin Ee Laga soo daayey Gacanta Burcadda Oo Maanta Loo Qaaday Nairobi+ Sawiro

Afar Nin oo u dhalatay Dalka Thailan ayaa Xalay lagu Guuleystay in laga soo siidaayo Burcad badeed ay gacanta ugu jireen muddo dhan 4 Sano iyo 10 Bilood iyagoo markii hore lagu qabtay markab kalluumeysi oo lagu magacaabo MV Albera.
markabkii aysaarnaayeen mudo sanado hadda laga joogo ayuu ku soo caariyey xeebaha Garacad Kadib ayaa nimankaan lagala dagay waxaana nimankii haystay ay la aadeen Aagga Xarardheere Ee Xeebaha Gobolka Mudug halkaas oo ugu danbeyn laga soo daayey nimankii haystay kadib xoogaa lacago ah oo madaxfurasho ahaan looga siiyey kooxdii haysatay
Masuuliyiin kasocoday Galmudug iyo Hay’adda UN ODC ayaa howshaan ku guuleystay iyagoo sheegay in wali ay gacanta burcadda ku jiraan dadyow kale oo tiradooda lagu sheegay 26 Ruux .
Wasiirka Kalluumeysiga,Kheraadka Badda Iyo Dakadaha C/qaadir Cali Jaamac Qalabxoor oo saxaafadda Kula hadlay Garoonka Diyaaradaha OSHCO ee oonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in nimankaan soo deyntooda ay kala shaqeynayeen Hay’ado ay ka mid tahay Hay’adda UN ODC Isagoo ka dhawaajiyey in laga bixiyey Cadad lacag ah.
Warar hoose ayaa sheegaya in lacag Halmiyan oo dollar ah nimankaan Madaxooda Lagu soo furtay.
Hoos Ka Daawo Sawirada

ajnabi ajnabi2ajnabi3ajnabi4ajnabi5

 

 

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook