Al-Shabaab oo Baahisay Sawirka Axmed Godane+ Sawir

Ururka Alshabaab garabkooda dhanka warbaahinta ayaa baahiyay sawir ka tarjumaya in laga soo jaray muuqaal laga diyaariyay weerarkii Westgate.

Sawirka, ayay AL-Shabaab sheegtay in laga qaaday hogaamiyihii hore ee Alshabaab Axmed Cabdi Godane ayaa muujinaya inuu sii jeeday uuna watay qoriga AK47 iyo qasnadaha qorigaasi. Inkasta oo waxyar un ay ka muujiyeen wejiga Godane, haddana sawirka waxa uu bixinayaa muuqaalka guud ee Godane.

Waxaa muuqata in Axmed Godane sida horay loo sheegay uu ahaa ruux JAB yar, islamarkaana lahaa timo dhaadheer.

Muuqaalka ay sheegeen Alshabaab inkastoo aan si rasmiga loo arag haddana sawirada laga qaaday ayaa muujinayay inuu kusii jeeday goob dhagxaan badan ay yaalaan, gacmahiisana gadaal ay jiraan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook