Aqriso Magacyada Masuuliyiinta ku waxyeeloobay Qaraxii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Iyadoo maanta uu Laba qarax waaweyn uu ka dhacay Hotel Centeral ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo ka dhashay Khasaaro kala duwan oo soo kala gaaray Mas’uuliyiin ka tirsanaa Dowlada federaalka ah ee Somalia iyo Dad rayid ahaa oo goobta ku shaahinaayay.

Ilaa 10 qof ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen labo qarax oo maanta barqadii ka dhacay hotel ku yaal bartamaha magaalada Muqdisho.

Tiro kale ayaa sidoo kale la sheegayaa inay ku dhaawacmeen weerarkaas.

Inta la xaqiijiyay Qaraxyadaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay Mas’uuliyiin ay kamid ahaayen:-

1-Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte Qaalib

2-Xil. C/qaadir Cali Cumar

3-Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jengeli

4-Wasiirka Dekada Nuur Faarax Xirsi

5-Ex Xil. Salaad Cali Jeele

Dhimashada:-

1-Gudoomiye xigeenka dhanka Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Aadan Guuleed (Caano Geele)

2-Xil. Cumar Cali Nuur (Cumar Furdug)

3-Xil. Maxamed Ducaale Muuse(Xaaji Kafey) oo horey u badalay Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo Muqdisho lagu dilay.

4-La taliye ka tirsanaa Xafiiska R/wasaare magaciisana lagu sheegay Cabdi fitaax Khaliif Badaiyow

5-C/shakuur Mirre Aadan

Sidoo kale, waxaa jira Mas’uuliyiin kale oo la sheegay inay ku dhaawacmeen balse cid ilaa iyo hadda xaqiijisay ma jirto, iyadoona ay xusid mudan tahay in Qaraxaasi uu sababsaday geerida dad badan oo shacab ahaa kana mid ahaa dadkii halkaasi ku shaahinaayay.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Federaalka ayaan weli soo bandhigin Liiska dadka uga dhintay Qaraxyada, waxaana la filayaa inay soo bandhigaan, inkastoo Wasaarada Warfaafinta ay horay u sheegtay in dadka dhaawacmay usan ku jirin Ra’isul wasaare ku xigeenka, waxaana jira warar ay xaqiijiyeen Masuuliyiin kale oo sheegaya in R/wasaare xigeenka uu dhaawac yahay islamarkaana yaalo Isbitaalka Digfer.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook