Arsene Wenger oo Rajaynaya Inay Sanadkan Qaadan Doonaan Koobka Champions League.

Arsene Wenger ayaa sheegay in Arsenal ay aaminsan tahay in ugu danbeyn sannadkan uu noqon doono sannadkoodii Champions League.

Arsenal ayaa caawa lugta hore ee wareega 16ka waxa ay Emirates Stadium kula ciyaareysaa kooxda Monaco iyagoo ka soo laabtay qaab ciyaareed fiican oo horyaalka ah, waxaana ay soo gaareen wareega 8da FA Cup iyo kaalinta 3aad ee Premier League.

Iyadoo Alexis Sanchez, Mesut Ozil, Olivier Giroud iyo Santi Cazorla ay dhamaantood taam yihiin, Wenger ayaa dareensan in Arsenal ay saameyn ku yeelan karto koobkaan oo aysan waligeed ku guuleysanin.

“Haatan waa ay ka sii adag tahay 10 ama 15 sanadood ka hor sababtoo ah kooxo badan ayaa u sharaxan hanashada Champions League, gaar ahaan kooxo badan ayaa ka sharxan England” ayuu yiri Wenger oo kooxdiisa Arsenal ay gaartay finalka Champions League 2006dii balse guuldarro ay ka soo gaartay Barcelona.

“Laakiin waa tartan is arag ah, taasi waxa ay la micno tahay aaminaad, u heelanaansho iyo inaad waqti fiican ku jirto marka aad ciyaareyso kulamada.”

Wenger ayaa hadalkiisa raaciyay: “Waan aaminsanahay inaan ku jirno qaab fiican. Maanta mar aan fiiriyo Yurub waxaa jira 10 kooxood oo aaminsan inay ku guuleysan karaan Champions League, sidaasi darted waa inaan anaga kaliya diirada isa saarno.

“Su’aal ma gelinayo baahida aan u qabno koobkaan. Laakiin waa wax aaminaad ah. Waxaan dareensanahay koox ahaan inaan kor u socono, waxaana Champions League u isticmaali karnaa inaan ku xaqiijino taas.”

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook