Axmed Madoobe oo Goordhaw Muqdisho soo gaaray iyo Cabdi Wali Gaas oo isna laga sugayo

Waxaa Goordhaw Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalda Muqdisho kasoo dagay wafdi balaaran uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Jubaland, Sheekh AXmed Islaam(Axmed Madoobe)

Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ,Axmed Madoobe iyo Wafdiga lasocda, waxa ayna hada kusugan yihiin gudaha Garoonka iyadoo la filayo in halkaasi laga galbiyo.

Dhinaca Kale Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntilnad Cabdi Wali Maxamed Cali(Gaas) ayaa isna la filayaa saacadaha soo aadan in uu kasoo dago garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Masuuliyiin iyo xubno kale oo iyana kasocda qaar kamid ah Maamul Goboleedyada dalka ka jira in ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan Shir looga tashanayo Aayaha Soomaaliya iyo Hiigsiga 2016-ka.

Shalay Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wafdi uu hogaaminayo, waxa ayna masuuliyiintan matalaya maamul Goboleedyada dalka inta ay Muqdisho joogaan la kulmi doonaan Madaxda sare ee Dalka.

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Dalka ka jira ayaa inta badan looga baran in ay yimaadaan Magaalada Muqdisho, waxa ayna taa badalkeeda safaro badan ku tagaan Dalalka Itoobiya iyo Kenya ay tagaeero ka helaan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook